Xukuumada Somaliya Oo Ku Gacansaydhay Baaqii Gudoomiyaha Aqalka Sare Ee Baarlamaanka Somaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddiga maamulaya doorashada xubnaha labada aqal ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ka soo jeeda Somaliland.

Guddigan ayaa ka kooban 11 xubnood oo ka soo jeeda Gobolada Waqooyi, waxaana u badan xubno dhalinyaro ah oo qaarkood ka shaqeeya Xafiisyada Wasaaradaha.
Shan xubnood oo ka mid ah ayaa dumar ah waana kuwa ugu badan dhammaan maamulda xubnaha ay soo Magacaabeen oo ka koobnaa labo xubnood.

Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa si weyn uga soo horjeestay in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay magacowdo xubnaha guddiga doorashooyinka ee maamulaya gobolada Waqooyi.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa horay xildhibaanada gobolada Waqooyi ugu eedeeyeen in ay doonayso in ay afduubato xubnaha xildhibaanada Somaliland.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Joe Biden Oo Sheegay In Uu Guulaysan Doono Xilli Trump Tirintii Ku Gudo Jiro

Bnnstaff Bnnstaff

Gudiga Joogtada Ah Ee Golaha Guurtida Somaliland Oo War Ka Soo Saaray Shaqooyin Ay Qaban Doonaan

Bnnstaff Bnnstaff

Dood Adag Oo Ka Taagan Dheelitir La’aanta Miisaaniyada 2021ka Ee Somaliland

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More