Dowlada Kenya Oo Faah Faahisay Sababta Ay Ciidammo Ugu Direyso Kongo

In ka badan 100,000 oo qof ayaa guryahooda ka cararay halka tobanaan qofna la dilay ka dib markii uu dib u qafrxay dagaal u dhaxeeya ciidamada Kongo iyo fallaagada M23. Waa dagaalkii ugu muddada dheeraa sidoo kalana ugu dhimashada badnaa.

Hada se ciidamada Kenya ayaa ku biiraya dagaalka si ay u taageeraan milatariga Kongo, xasiloonidana dib loogu soo celiyo dalkan qaniga ku ah macdanta.

Wasiirka Gaashaan dhigga Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa bartiisa Twitter soo dhigay qoraal uu kaga hadlayo ciidamada Kenya ay u direyso DRC Congo ka dib markii uu ka qeyb galay xafladda sagootintooda: “Kenya, iyada oo raadinaysa in ay hogaamiso kobaca gobolka Bariga Afrika, waxa ay danayn qoto dheer oo joogto ah u leedahay ilaalinta nabadda Geeska Afrika iyo guud ahaan qaaradda Afrika.”

“Waxaan aad uga shaqeynaynay sidii aan beesha caalamka ugu abaabuli lahayn inay taageerto ciidamada bariga Afrika,” ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga Kenya Aadan Ducaale oo munaasabadda ka hadlayay.

Related posts

DAAWO:- Shacabka Reer Azerbijaan Oo Markii Ay Arkeen Madaxwayne Ordogan Ka Hadhiwaayay

Bnnstaff Bnnstaff

Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi Garabka Cabdi Xaashi Oo Diiday Habraacyada Doorashada

Bnnstaff Bnnstaff

“Gudiga Doorashooyinka Wali Waxaa Ka Buuxa Xubo Ka Tirsan NISA” Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More