Madaxweyne Guudlaawe Oo Hadal U Jeediyay Macwiisleyd Loo Diyaariyey Dagaalka Alshabaab

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa booqday deegaanada Geyfo, Bakajeex, Qoordheere iyo Warciise oo dhowaan Ciidanka dowladda iyo kuw macwiisleyda ay ka qabsadeen Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa kormeeray dhamaan deegaanada laga xureeyay Al-shabaab, isagoo halkaas kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka Ciidanka Xoogga Dalka Janaraal Odawaa Yuusuf Raage, Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan iyo qeybaha kala duwan ee Saraakiisha Ciidamada.

Guudlaawe ayaa waxaa uu Ciidamada uu la kulmay kala hadlay muhiimada howlgalada socda Gobolka Shabeellaha Dhexe, adkeynta amniga deegaannada la xureeyay iyo sida ay lagama maarmaan u tahay la-dagaalanka Al-shabaab.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa la hadlay boqolaal ka tirsan ciidamada deegaanka ah oo usoo qalab qaatay ka qeybgalka howlgalada baahsan ee socda, waxa uuna ku bogaadiyay yididiilada ka muuqata iyo sida ay uga go’an tahay inay Gobolkaan nabad noqdo.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa ugu baaqay dhamaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan bulshada Hirshabeelle inay u soo hub qaataan halganka la isaga xureynayo Al-shabaab ee ka socda guud ahaan dalka, waa sida uu hadalka u dhigay.

Related posts

Raysal Wasaare Rooble Oo Soo Gabagabeeyay Shir U Socday Laamaha Garsoorka Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

Dadwaynaha Gaalkacayo oo La Su’aalay Siday U Arkaan Hadii Dib Loo Doorto Madaxwayne Farmaajo?

Bnnstaff Bnnstaff

Siyaasi Salaada Cali Jeele Oo Sheegay In Uu La Sheekaysay Nin Is Qarxiyay Oo Dhiman Waayay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More