Imaam Masaajid Oo Lagu Dilay Magaalada Muqdisho Iyo Faahfaahino Ka Soo Baxaya Dilkaasi

Faah faahino ayaa laga helayaa kooxo ku hubeysnaa Bastoolado oo xalay fiidkii gudaha degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir ku dilay Imaamka masaajid ku yaalla degmadaas oo lagu magacaabi jiray AUN Sheekh Cabdicasiis Maxamed Xirsi.

Sheekh Cabdicasiis oo Imaam ka ahaa masaajidka Dabaqeynka ee degmada Dharkeenley ayaa sida ay sheegeen goobjoogaal u geeriyooday xabbado dhowr ah oo looga dhuftay qeybaha sare ee jirkiisa, isagoona durbadii ku naf-waayay goobta uu falka ka dhacay.
Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka degmada Dharkeenley ayaa tagay halka lagu dilay Imaamkii masaajidka Dabaqeynka, isla markaana halkaas ka qaaday Meydka Marxuumka oo la geeyay Xarunta CID-da, kadibna waxaa la geeyay hoygii uu deganaa.

Kooxihii hubeysnaa ee dilka ka danbeeyay ayaa durbadii goobta ka cararay, illaa iyo hadda lama oga sababta loo dilay Sheekh Cabdicasiis Maxamed Xirsi, hayeeshee dilkiisa ayaa waxaa uu kamid noqonayaa dilal horey uga dhacay magaalada Muqdisho.

Muqdisho ayaa waxaa marar kala duwan lagu dilay dad shacab ah, mas’uuliyiin, Askar iyo xubno kale, waxaana inta badan dilalkii ka dhacay magaalada Muqdisho mas’uuliyadooda sheegtay dagaalamayaasha Al-shabaab.

Related posts

Maxay Tahay Wareegtada Cusub Ee Uu Madaxwane Putin Soo Saaray Ee Madax Wareerka Ku Riday Dalalka Reer Galbeedka

Bnnstaff Bnnstaff

Golaha Deegaanka Buuhoodle Oo Haweenay U Doortay Maayirnimada Degmada Buuhoodle

Bnnstaff Bnnstaff

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Booqday Safaarada Soomaaliya Ee Dalka Ciraaq

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More