Borama News Network

Maraykanka iyo Shiinaha oo ka wada hadlaya xakamaynta ‘Garaadka Macmalka ah’

Masuuliyiin sarsare oo ka kala socota Maraykanka iyo Shiinaha ayaa qorshaynaya inay ku kulmaan dalka Switzerland, maalinimada Salaasada, si ay uga wada hadlaan, walaaca isa-soo taraya ee ku saabsan Garaadka Macmalka ah ama Artificial Intelligence.

Masuuliyiinta Maraykanka ayaa sheegay, in wadahadalada ka dhacaya magaalada Geneva, inaanay fursad u siin doonin in Shiinuhu uu saamayn ku yeesho siyaasadaha lagu hagayo farsamada casriga ah.

Masuuliyiinta Maraykanka ayaa sheegay, in qodobada miiska yaalla ee laga wada hadlayo inay ugu muhiimsan yihiin, sidii ay labada dal uga wada xaajoon lahaayeen, hababka hoos loogu dhigi karo, khataraha ku gedaaman isticmaalka Garaadka Macmalka ah ee horumarsan.

Beijing iyo Washington ayaa ku jira tartan aad u xooggan oo la xidhiidha, cidda gacanta sare yeelanaysa, marka laga hadlayo Artificial Intelligence

Related posts

Imaaraadka Carabta Oo Lagu Eedeeyay In Ay Dhaqaale Ku Bixiyeen Si Loo Fuliyo Dilal Siyaasadeed

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwayne Xasan Sheekh Oo Gaadhay Dalka Talyaniga Oo Ay Ku Kulmayaan Abiy Ahmed

Abdiaziz Bnnstaff

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Iyo Waraysi Xiiso Badan Oo Uu Arimo Xasaasiya Kaga Hadlay

Abdiaziz Bnnstaff