Ciidanka DANAB oo howlgal ka sameeyay Waqooyiga Magaalada Kismaayo

Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB Gaar ahaan Ururka 5aad Guutada 16 aad ayaa Howlgal Qorsheysan ka sameeyay Waqooyiga Magaalada Kismaanyo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose..

Howlgalka ayaa Ciidamada sigaar ah uga sameeyeen degaannada kala ah Dheycabdi, mayoonde, Qudhac Madoobe, Koban, Araare iyo bandarjadiid oo kawada tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ee DANAB ayaa sheegay inay howlgalka ku burburiyeen Saldhigyo ay Al-Shabaab kulahaayeen Waqooyiga Kismaayo, isla markaana weerarada ay kasoo abaabuli jireen.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in howlgalka intii uu socday lagu soo saaray Sagaal Miino oo isugu jiray kuwa Istaaga iyo kuwa Fiilooyin lagu Qarxiyo, xilli dhowr jeer degaano kuyaalla Waqooyiga Magaalada Kismaayo ay qaraxyo ku qabsadeen Gawaari ay saarnaayeen dad Shacab ah.

Related posts

Weerar Loo Adeegsaday Tooreey Oo Ka Dhacay Tel Aviv Iyo Khasaaro Ka Dhashay

Madaxwayne Trump Oo Markii U Horraysay u Muuqda Mid Qiray Guusha Joe Biden

Bnnstaff Bnnstaff

Maraykanka Oo Dib U Hawlgaliyay Basaasiintii Uu Ku Lahaa Gudaha Shiinaha Iyo Dowlada Shiinaha Oo Si Adag Uga Falacelisay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More