Abiy Ahmed Oo Sheegay Inay Ka Go’an Tahay Hir-Gelinta Heshiiska Nabadda Ee Gobolka Tigray

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa u sheegay xildhibaannada Baarlamaanka Itoobiya inay ka go’an tahay heshiiski nabadeed oo uu kula gaaray hoggaanka Tigray-ga waddanka Koonfur Afrika horraantii bishan, si loo soo afjaro colaadda dad badan lagu dilay ee laba sano ka socotay waqooyiga gobolka Tigray.

Khudbad uu Talaadadii ka hor jeediyay baarlamaanka, ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in dhinacyada dagaallamaya ay tahay inay hadda xaqiijiyaan inay raacaan heshiiska.
“Waan ka wadahadalnay, waanu heshiinay, waana saxeexnay,” ayuu yiri Abiy. “Waxa xiga ayaa la filayaa in la fuliyo.” ayuu raaciyay.

Fulinta heshiiskan oo kaliya, ayuu sheegay inay, “keeni karto nabadda mid waarta.”

Sida ku cad shuruudaha heshiiskii xabbad-joojinta ee 2-dii Nofembar lagu saxiixay Pretoria, dowladda federaalka Itoobiya waxay la wareegi doontaa xudduudaha gobolka Tigray, waddooyinka, iyo garoomada diyaaradaha halka dagaalyahannada Tigrayga ay hubka dhigi doonaan.

Related posts

Afar Askari Oo Loo Haysto Kufsi Iyo Taliyaha Booliska Gobolka Sanaag Oo War Ka Soo Saartay

Bnnstaff Bnnstaff

Doowo Waraysi Dhinacyo Badan Oo Uu Gudoomiye Baashe Siiyay Telefishanka Alcarabiya

Bnnstaff Bnnstaff

Dowladda Itoobiya Oo Beenisay Warbixin Ay Soo Saareen Guddi Ka Tirsan Qaramada Midoobey

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More