Madaxwayne Qoorqoor Oo Lagu Eedeeyay Beegsiga Beello Gaar Ah

Gudoomiye ku xigeenkii hore ee maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir Ibraahim Mahad Alle ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha maamulka Galmudug in uu xaqiraad ku haayo qaar ka mid ah beellaha Galmudug.

Waxaa uu sheegay in Galmudug aysan ka qeyb qaadan dhammaan howlgalladii ka socday deegaanka Webxo ee gobolka Galgaduud.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Qoorqoor in uu maalinwalba magacaabo degmo cusub oo ah kaliyah tuulooyinka uu kasoo jeedo.

Gudoomiye ku xigeenkii hore ee gobolka Banaadir Ibraahim Mahad Alle ayaa yiri ” Madaxweyne Qoorqoor Beesha Murusade ma aqoonsanaa, Tuulooyinkii uu kasoo jeeday ayuu degmooyin ka taxay”

Hadalka Guddoomiyaha ayaa yimid xilli madaxweyne Qoorqoor lagu eedeeyay dhawaan in uu kala sooco beellaha Galmudug Qoorqoor.

Related posts

Faah Faahin: Shil Khasaaro Dhaliyey Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Bnnstaff Bnnstaff

Waa Kuma Kinka Saboolnimada Ku Soo Koray Ee Loollanka Adag Ugu Jira Inuu Beddelo Erdogan?

Bnnstaff Bnnstaff

Kulankii Wada-Jirka Ahaa Ee Labada Gole Ee Baarlamaanka Oo Baaqday Kadib Weerarkii Hoteel Villa Rosa

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More