Maalqabeenka Bill Gates Oo $7 Bilyan Ugu Yaboohay Qaaradda Afrika

Hay’adda Bill & Melinda Gates Foundation ayaa sheegtay inay 7 bilyan oo dollar ugu yaboohayso Afrika afarta sano ee soo socota, iyadoo Bill Gates uu ka digay in qalalaasaha Ukraine uu hoos u dhigayo xaddiga mucaawinada soo gaari jirtay qaaradda Afrika.

Ballan-qaadka Bill Gates, oo 40% ku kordhiyay lacagtii uu bixiyay afartii sano ee la soo dhaafay, ayaa lagu fulin doonaa mashaariic wax ka qabta gaajada, cudurrada, iyo fakhriga.

Nigeria oo ah dalka ugu dadka badan Afrika ayaa yeelan doona saamiga ugu badan.

Ururada gargaarka bini’aadantinimo ee Afrika ayaa la halgamaya dhaqaalaha loo weeciyay Ukraine, iyadoo duullaanka Ruushka uu sare u qaaday qiimaha badeecadaha caalamka, taasoo saameyn ku yeelatay howlaha gargaarka.

“Miisaaniyadda Yurub waxaa si weyn u saameeyay dagaalka Ukraine, sidaas darteed hadda isbeddellada gargaarka kor uma socdaan,” ayuu yiri bilyaneer aasaasaha Microsoft Corp oo suxufiyiin kula hadlay jaamacadda Nairobi xilli uu Kenya booqasho ku joogay.

Kenya iyo inta badan bariga Afrika ayaa waxaa ka taagan abaartii ugu darneyd muddo afartan sano ah.

Kadib kulan uu la qaatay madaxweynaha Kenya William Ruto, Gates ayaa Arbacadii sheegay in hay’addiisu ay xafiis goboleed ka hirgelin doonto magaalada Nairobi.

Reuters.

Related posts

” Shacabka Somaliland Mar Uun Ha Tijaabiyaan Xisbi Qabyaalad Ka Madhan ” Gudoomiyaha Ururka Waaberi.

Bnnstaff Bnnstaff

Akhriso:- Ciraaqiga Qaxootinnimada Ku Tagay UK Ee Wasiirka Ka Noqday

Bnnstaff Bnnstaff

Hindiya Oo Safiir Cusub U Soo Magacawday Somaliya Bedeshayna Safiirkii Hore

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More