Borama News Network

Maxay kawada hadlayaan Labada Guddoomiye Baarlamaan ee Soomaaliya Iyo Jabuuti?

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo ku sugan Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa lagu wadaa in uu la kulmo dhiggiisa Dileita Mohamed Dileita.

Labada Guddoomiye Baarlamaan ee Jamhuuriyadaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa iska xog-waraysan doonna xiriirka ku qotoma wadashaqaynta labada dhinac iyo is dhaafsiga aqoon kororsiga sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan.

Guddiga loo xilsaaray xoojinta xiriirka iyo walaaltinimada ee Jamhuuriyadaha Soomaaliya & Jabuuti ayaa kulamo ay wada qaateen uga arrinsadeen sidii loo kordhin lahaa fadhiyada dhexdooda iyo kan guddoonkooda.

Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa horay u magacaabay Guddiyo ka shaqeeya xoojinta xiriirka ay wadaagaan Baarlamaanno Dalal kala duwan waxaana socda kulamada dhinacyadaas ay wada leeyihiin.

Related posts

Orod Mooge Oo Si Foolxun Ugu Jawaabay Axmed Yasiin Sheekh Cali Ayaanle Oo Taageero U Muujiyay Xisbiga Wadani

Dowladaha Somaliya Iyo Itoobiya Oo Ku Wada Hadlaya Dalka Turkiga Iyo Arimaha Laga Hadlayo Oo La Shaaciyay

Abdiaziz Bnnstaff

Wasiirka Wasaaradanta Somaliland Oo Shaaciyay In Ay Joojiyeen Liisamadii Macdan Qodista

Abdiaziz Bnnstaff