Khasaare Ka Dhashay Dagaal Dhex-Maray Ciidamada Puntland Iyo Somaliland

Wararka aan ka heleyno degaanka Qararro oo ka tirsan Gobolka Cayn ayaa sheegaya in saaka halkaas ay ka taagan tahay xiisad u dhexeeysa Ciidamada Puntland iyo Somaliland, kadib iska horimaad khasaaro dhaliyey uu dhexmaray labada dhinac..

Iska horimaadka ayaa waxaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen laba Askari, waxaana taagan xiisad dagaal oo u dhexeeysa Ciidamada Puntland iyo Somaliland.
Dadka deegaanka Qararro oo ka tirsan Gobolka Cayn ayaa kusoo warramay inay dareemayaan cabsi dagaal, isla markaana waxaa ay sheegeen in dhinacyada ay wadaan abaabul dagaal.

Somaliland iyo Puntland ayaa dhowr jeer waxaa ay dagaalo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ku dhexmareen deegaano ka tirsan Gobolka Sool, iyagoona sidoo kale iska kala qabsaday gaadiid dagaal iyo hub.

Related posts

“Dahab Baad Tahee Dabka Ha Isku Ridin” Waa Barnaamij Lagaga Hadlayay Dhalinyarada Haweenka Ah Ee Is Guba

Bnnstaff Bnnstaff

Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaal Weli Ka Socda Xaafaddo Ka Tirsan Magaalada Dhuusamareeb

Bnnstaff Bnnstaff

Taliyihii Hore Ee Sirdoonka Somaliya Oo Shaaciyay In Uu Ka Badbaaday Isku Day Dil Hanjabaadna Diray

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More