TPLF Oo Mar Kale Shuruud Cusub Ku Xidhay Inay Hubka Dhigaan

Hogaamiyayaasha Tigrayga ayaa sheegay in ciidamadooda aysan hubka dhigi doonin ilaa dadka degan gobolka waqooyi ee Itoobiya laga damaanad qaadayo ammaankooda.

Hub ka dhigista ciidamada iyo kooxaha maleeshiyada waxay qayb muhiim ah ka ahayd heshiiskii nabadeed ee ay dawlada iyo kooxda TPLF kala saxeexdeen 2-dii November.

Labada hogaamiye ee ugu sareeya xisbiga Tigray ee TPLF ayaa ku eedeeyay ciidamada Eritrea inay wali dhaqdhaqaaq ka wadaan waqooyiga Itoobiya halkaas oo ay ka geysanayeen tacadiyo.

Arintan ayay sheegeen in ay ku adkaatay Ciidamada TPLF in ay hub ka dhigis ku sameeyaan.

DR Feysal rooble oo ah khabiir ka faalloda arrimaha siyaasadda ee Ethiopia ayan wax ka weydiinay arrimahani saameynta ay ku yeelan karaan heshiiskii ka dhacay dalka Koofur Afrika.

Related posts

Daawo: Qaabkii Loo Ansixiyay Xubnaha Koomishanka Doorashooyinka Somaliland

Bnnstaff Bnnstaff

Odayaasha Iyo Waxgaradka Beledwayne Oo Taageero U Muujiyay Hirshabeele Fariin Culusna Diray

Bnnstaff Bnnstaff

Shir Dhex Maray Dowladaha Ruushka, Itoobiya Iyo Jabuuti Iyo Arimaha Lagaga Wada Hadlay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More