Gabadh Cudur Naadir Ah Ka Qaadday Faruuryaha Oo Ay Weyneysatay Muxuuse Yahay Cudurkaasi

Kaddib markii ay gashay qalliin dibnaha loogu weyneynayo laguna durayo maaddada hyaluronic acid, ayaa Pamela Andrade, oo 23 jir ganacsato ah, waxay bararay afka, wejiga iyo indhaha waxaana loo maleynayaa in astaamahan ay yihiin saameyn taban oo ka soo gaartay qalliinka.

Wejiga ayaa aad u bararay, iyadoo arrintaas dadka kula wadaagtay barta Tik Tok, dadka qaar ayaa u qaatay in sawirrada ay bartaas soo dhigtay ay yihiin kuwo la farsameeyay.

Waxaase ka yaabiyay, in calaamadaha ay isku aragtay ay astaan u yihiin cudur nadir ah oo hiddo-sidaha la xiriira, kaasoo muddo sanado ah la iska indho tiray.

“Waxaan dib ugu laabtay xarunta caafimaadka umana heysan xanuunkan naadirka ah. Waxaan u qabay inay wax khaldameen”, ayay ku tiri wareysi ay siisay BBC News Brasil. Calaamaddii ugu horreysay waxay ka aragtay dibnaha kore.
“Waa caadi inay bararaan, balse maaha sidaasoo kale. Waxay ii qaadeen isbitaalka, waxay iga qaadeen sawirro wax sidaasoo kale ahna hore uma dhicin. Waxaan dhaqtarka ka maqlay in xitaa aan xasaasiyad ku qabo hyaluronic acid. Waxaan qaatay dawada xasaasiyadda waanan sugay”, ayay tiri.

Markii la ogaaday xanuunkan naadirka ah
Kaddib markii uu bararka degay, gabadhan ayaa u tagtay dhaqtar ku takhasusay xasaasiyadda. Markii ay xafiiska timid, waxay dhaqtarka la wadaagtay calaamadaha ay isku aragtay, kaddibna dhaqtarka ayaa u diray baaritaanno gaar ah.

“Wuxuu i weydiiyay dhowr su’aal oo la xiriiray xanuunka waxaana maray baaritaan dhiig oo naadir ah oo sheybaarka lagu qaaday”, ayay tiri.

Natiijadii ugu horreysay ma noqon mid sidii la rabay ah mar kale ayaana baaritaanka lagu celiyay.

Markii la eegayay natiijada, waxaa la ogaaday inuu haleelay xanuunka la iska dhaxlo ee angioedema, oo ah mid dhif ah.

Inkastoo waaliddiinteeda aysan dhibtaas qabin, waxay aaminsan tahay inay ka dhaxashay eeddadeed, oo sidoo kale barar ka caban jirtay intii ay nooleyd.

Weyneysashada faruuryaha iyo gabdhaha Soomaalida: Ma qurux mise qarash, khatar iyo qurux beel?
Sanadkii la soo dhaafay baraha bulshada Soomaalida waxaa ku baahay haween badan oo Soomaali ah oo durtay dibnaha ama faruuryaha, si ay dabcan qurux uga raadiyaan.

Dad badan ayaa u arka in dibnaha loo weynaystaa ay qayb ka tahay quruxda qofka, halka kuwo kale ay u arkaan foolxumo la soo korodhsaday.

Qalliimada macmalka ah ee qofku ku beddelayo xubnihisii, isaga oo baadigoobaya qurux ayaa ku cusub Soomaalida dhexdeeda.

Weynaysashada dibnaha ayaa muddooyinkii dambe aad ugu baahay dunida oo dhan, iyada warbixinnada la sameeyay ay tilmaamayaan in dhallinyar badani ay hawshaas u hawlgaleen.

Dadka caanka ah ee baraha bulshada isticmaala ayaa ah kuwa ugu badan ee saameeyey dhallinyartaas, ee ay ku dayanayaan.

Mid ka mid ah gabdhaha isticmaalay oo Filsan magaceeda ku koobtay ayaa warbaahinta maxaliga ah ee Muqdisho u sheegtay, “Waligeey waxan jeclaa inaan weyneesto furuuryaheyga. Maanta waan ku faraxsanahay in faruuryaha la ii weyneeyay. Waxaan dareemayaa Qurux aan horay u laheen. Markii hore faruuryo yaryar ayan qabay hada kuwa qurux badan ayaan helay”

“Qurux ayan ahay” ayey tiri.

Waa maxay khatarta ay leedahay?

Meelo kala duwan oo dunida ha sida UK ayaa laga istcimaalaa, balse waxaa jira baaqyo soo baxaya gudah UK oo ha in sharci laga soo saara weyneynya faruuryaha iyo qaabka loo sameynayo.

Dad qaar aya ka cabanaya khatarta ka soo gaadhay. “Waxay gaadhay heer ay faruurtaydu dhab ahaantii bilawday inay korto, aad bay u xumaatay runtii waxaan dareemi karaa inay bilaabeen inay kala tagaan. “32-jir moodeel ah Lora Mua, ayaa sidaasi BBC-da u sheegtay.

Related posts

Xisbiga Kulmiye Oo Ka Gilgishay Isbahaysiga Ay Ku Dhawaaqeen Xisbiyada Mucaaridku

Bnnstaff Bnnstaff

Ugaaska Guud Ee Beelaha Gadabuursi Oo Ka Hadlay Dabkii Suuqa Wayne Ee Hargeysa

Bnnstaff Bnnstaff

Kenya Oo Dad Shacab Ah Ku Laysay Gedo Iyo Shacabka Oo Baaq Udiray Dowlada Fadaraalka Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More