Maxkamadda Sare Ee Mareykanka Oo Gaartay Go’aan Ka Dhan Ah Trump

Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa Talaadadi shalay oggolaatay, in dukumintiyada canshuur-celinta madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump lagu wareejiyo guddi ka tirsan Aqalka Wakiillada.

Guddi hoosaad ka tirsan Aqalka Wakiillada ayaa tan iyo sannadki 2019-kii baadi-goob ugu jiray, sidi ay u heli lahaayeen dukumintiyada lacagaha canshuurta ee uu bixiyay Donald Trump muddo lix sano ah oo, ay ku jirto afarti sano ee uu madaxweynaha ahaa.
Trump ayaa dhamaadkii bishi October weydiistay Maxkamadda Sare in ay diiddo, amar kasoo baxay maxkmad ku taalla New York oo fasaxday baaritaanka canshuur celinta Trump.

Go’aanka Maxkamadda Sare ee shalay ayaa madaxweynihi hore ee Mareykanka Trump ku noqonaya, guul-darradii saddexaad ee kasoo wajahda Maxkamadda Sare sanadkaan oo kaliyah.

Related posts

Antonio Guterres Oo Mar Kale Loo Doortay Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobey

Bnnstaff Bnnstaff

Mareykanka Oo Wacad Ku Maray Inuu Weerarayo Haddii Iiraan Yeelato Hubka Niyukliyeerka

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxtooyada Somaliland Oo Deeq Xoolo Nool Ah Ugu Deeqday Bukaanada Isbitaalka Dhimirka Iyo Maxaabiista Xabsiga Borama

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More