Dhulgariir Xoogan Oo Ka Dhacay Dalka Turkiga Iyo Khasaaraha Ka Dhashay Oo La Shaaciyay

Dhulgariir cabbirkiisa lagu qiyaasay 6.1 ayaa ku dhiftay Waqooyi Galbeed dalka Turkiga saacadihii hore ee Arbacada maanta ah, waxaana ku dhaawacmay ugu yaraan 35 qof.

Dhulgariirkan ayaa ka dhacay meel qiyaastii 170 kiiloomitir (105 mayl) dhanka bari kaga beegan magaalada Istanbul, oo ah magaalada ugu weyn dalkaas, halkaas oo si xooggan looga dareemay.
Mas’uuliyiinta Turkiga ayaa sheegay in dhulgariirku uu ahaa 5.9 — taas oo ka hooseeya qiyaastii 6.1 ee ay bixisay hay’adda Sahanka Juquraafi ee Maraykanka.

Waxa uu ka dhacay degmada Golyaka ee gobolka Duzce, inkastoo uu sidoo kale uu ruxay magaalooyin kale oo u dhow.

Related posts

Ruushka Oo Gabi Ahaanba Iskaga Baxay Wada Hadaladii Uu La Lahaa Dalka Jaban

Bnnstaff Bnnstaff

Kooxo Budhcad Ah Oo Lagu Soo Qabqabtay Hawlgalo Laga Sameeyay Magaalada Muqdisho

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxweynaha Dalka Argentine Alberto Fernandez Oo Laga Helay Cudurka Coronavirus

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More