Deg Deg:- Joe Biden Oo Ku Guulaystay Doorashada Maraykanka

Joe Biden ayaa ku guulaystay tartankii loogu jiray madaxtinimada Maraykanka oo waxa uu kaga adkaaday Donald Trump tirinta codadkii la dhiibtay Salaasadii.

BBC-da ayaa odoroskeedu yahay in Biden ku guulaystay gobolka loolanka adagi ka taagnaa ee Pennsylvania, waxaanay taasi u sahlaysaa inuu helo in ka badan 270-ka cod ee ergada gole-doorasho ee uu u baahan yahay si uu u hanto kursiga Aqalka Cad.

Ololaha Trump ayaa sheegay in musharaxooda aanay u qorshaysnayn inuu aqbalo in laga badiyey.
Natiijada ayaa Trump ka dhigaysa madaxweynihii u horeeyey ee muddo xileed keli ah dalka xukuma tan iyo sagaashanaadkii.

Doorashadani waxay ahayd tii ay codbixiyeyaashii ugu tirada badnaa tan iyo sannadkii 1900 u soo dareereen. Biden ayaa ku guulaystay in ka badan 73 milyan oo cod ilaa haatan, taas oo ka dhigan inuu yahay musharaxii madaxweyne ee taariikhda Maraykanka ugu codka badnaa. Trump ayaa isagu helay qiyaastii 70 milyan oo cod, sidaana wuxuu ku gelyaa kaalinta labaad.

Madaxweyne Trump ayaa isaga oo aan caddayn hayn isku sheegay inuu isagu yahay ninka ku guulaystay doorashada iyada oo aan weli xataa la dhamaystirin tirinta codadka. Waxa kale oo uu sheegay eedo ah musuq ka dhacay tiritina codadka, laakiin wax caddaynaya eedaas ah in musuq dhacay muu soo ban dhigin.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

“Wasarada Ciyaraha Somaliland Waxa Maamula Qoys Kaliya “Xoghayaha Ciyaraha Xisbiga Waddani

Bnnstaff Bnnstaff

Dad Cadheysan Oo Wali Ku Sugan Xarunta Baarlamaanka Dalka Ciraaq

Bnnstaff Bnnstaff

In Ka Badan 150 Tahriibayaal Ah Oo Laga Soo Badbaadiyay Kooxo Budhcad Ah

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More