Dowladda Federaalka Oo Ka Hadashay Hakadka Ku Yimid Dagaaladii Lagula Jiray Alshabaab

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay sababta keentay inuu hakad ku yimaado dagaaladii ka dhanka ahaa dagaalamayaasha Al-shabaab ee muddooyinkii lasoo dhaafay ka socday Gobolada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe, Galgaduud iyo Mudug.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo wareysi siiyay BBC-da ayaa u sheegay in dagaaladii ka socday dalka aysan hakad aheyn, hayeeshee dowladda ay dooneyso inay la wareegto hoggaaminta dagaalka.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Federaalka ay isticmaaleyso xeelado kale oo ay ku qorsheyneyso dagaalka ay kula jirto Al-shabaab, in kastoo Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiiga Xukuumadda ka gaabsaday inuu kusii dheeraado arrintaas.

Isaga oo sii hadlaayay Wasiir Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayuu tilmaamay in dowladda Federaalka ay haatan ku howlan tahay sidii loo gaarsiin lahaa adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada deegaanadii dhawaan lagala wareegay Shabaabka.

Wasiirka ayaa waxaa uu sheegay in dhawaan ay dowladdu ku dhaqaaqi doonto qorshaheeda dagaalka, iyadoo si rasmi ah hoggaanka ugu qabaneysa xoogagga deegaanka iyo ciidanka qaranka ee dagaalka kula jira Al-shabaab.

Si kastaba waxaa muddooyinkii lasoo dhaafay dagaalo xooggan oo u dhexeeyay Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwa deegaanka ee macwiisleyda loo yaqaan iyo Al-shabaab ay ka dhaceen deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolada Hirshabeelle iyo Galmudug.

Related posts

Somaliya Iyo Itoobiya Oo Ka Wada Hadlay Dagaalka Ka Dhanka Ah Alshabaab

Bnnstaff Bnnstaff

Wadahadaladii U Dhexeeyay Dalalka Itoobiya Sudan Iyo Masar Oo Mar Kale Burburay

Bnnstaff Bnnstaff

Muuse Biixi Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Gaadhay Magaalada Berbera Iyo Qaabka Loo Soo Dhaweeyay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More