Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Dagaal U Dhexeeya Ciidamada Dowladda Iyo Al-Shabaab Oo Ka Qarxay Galguduud

Dagaal ayaa ka socoda deegaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud, sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan oo deegaanka ku sugan, kadib markii maleeshiyada Al-shabaab ay weerar kusoo qaadeen deegaankaas oo ay ku sugnaayeen ciidamada Darawishta Galmudug, kuwa dadka deegaanka iyo kuwa Xooga Dalka.

Weerarkan oo ku biloowday qarax ayaa ilaa hadda la ogeyn khasaaraha rasmiga ah, iyada oo ilo ku sugan magaalada Baxdo oo u dhow deegaanka Qaayib ay VOA u sheegeen in Isbitaalka magaaladaas la keenay dhaawacyo.

Warbaahinta dowladda ayaa dhinaca kale sheegtay in ciidamada xoogag iyo kuwa deegaanka ay fashiliyeen sadex qarax oo ‘Al-shabaab ay doonayeen in ay ku gaystaan waxyeelo.’

Al-shabaab ayaa hore u burburisay isgaarsiinta deegaanka Qaayib, waana markii labaad oo dagaallo u dhexeeya Al-shabaab iyo ciidamada huwanta ay ka qaraxaan deegaankan.

Warkan oo ah mid degdeg ah wixii kusoo kordha halkan ayaan idinkugu soo gudbin doonnaa.

Related posts

Xildhibaanada Labada Aqal Oo Kulan Maanta Xasaasi Yeelanaya Iyo Ajendaha Horyaalla

Bnnstaff Bnnstaff

Hanti Dhawrka Somaliland Oo Maanta Baadhintaano Ku Samaynaya Qaar Ka Mid Ah Wasaaradaha Somaliland

Bnnstaff Bnnstaff

Xisbiga Wadani Oo Ku Dhawaaqay In Uu Dib U Dhac Ku Yimid Shir Waynihii Xisbigaasi Iyo Sobobta

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More