Haayada Nabadsugida Somaliya Ee Nisa Oo Sheegtay In Ay Dishay 15 Ka Mid Ah Alshabaab

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda ee NISA ayaa sheegatay dilka ‘ugu yaraan 15 ka tirsam maleeshiyada Al-shabaab kadib howlgal qorsheysan’ oo ay ka fulisay deegaanka Buulo Madiino oo tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, sida lagu sheegay warsaxaafaded kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Bayaankan ayaa lagu sheegay in howlgalkan uu caawimaad ka helay ciidamada waddan aan magaciisa la xusin oo duqeyn dhinaca cirka ah ku taageeray ciidamada NISA.

Maleeshiyada Al-shabaab ee howlgalkan lagu dilay ayay NISA ku sheegtay inay ahaayeen ‘firxadkii ka bad baaday howlgal 23-kii bishaan’ ay ka fuliyeen deegaankaan kaas oo lagu dilay 49 Al-shabaab ah.

Howlgalkan ayaa sidoo kale lagu burburiyay hub iyo gaadiid ay wateen maleeshiyadan, sida lagu sheegay bayaanka dowladda.

 

Related posts

Dowlada Maraykanka Oo Qirtay In Duqaymaheeda Somaliya Ay Ku Dhinteed Dad Shacab Ahi

Bnnstaff Bnnstaff

Dowladda Somaliya Oo Digniin Culus u Dirtay Dadka u Hoggaansama Amarrada Al-shhabaab

Bnnstaff Bnnstaff

Mareykanka Duqeymo Uu Ka Fuliyay Soomaaliya Uu Ku Dilay Xubno Ka Tirsan Ururka Al-shabaab

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More