Kooxaha Kurdiyiinta Oo Hanjabaad Diray Ka Dib Weerar Uu Turkiga Uga Jawaabay Qaraxii Istanbul

Ciidamo maxali ah oo ku sugan Woqooyi Bari Siriya ayaa u sheegay BBCda in laga yaabo in lagu qasbo in ay banneeyaan xeryo ay ku hayaan maxaabiis ka tirsan Kooxda IS ee Islaamiyiinta .

Kooxda Ciidamada Dimoqraadiyiinta Siiriya ee SDF ayaa sheegtay in hadda iyo wixii ka dambeeya aanay awood u laheyn in ay ilaaliyaan Xeryahaasi haddii ay Turkigu soo qaadaan weeraro cusub oo dhulka ah ku soo qaadaan halkaa.

Turkiga ayaa weeraray boqolaal bar Tilmaameeedoo gobolka ah iyagoo ka aargudanaya qarax ka dhacay Istanbul kaas oo Turkigu ku eedeeyeen kooxaha goonni u goosadka Kurdishka ee saldhigyada ku eh woqooyiga Siiriya .

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa horay u sheegay in weerarrada ciidamadooda ay maalmihii la soo dhaafay ku qaadeen fariisimaha Kurdiyiintu ku leeyihiin waqooyiga Suuriya ay yihiin kuwa bilow ah.

Mr Erdogan ayaa sheegay in sida ay Turkiga uga ka go’an tahay sugidda amaanka xuduudka ay la wadaagtay madaxda Suuriya.

Horey wasiirka gaashaandhigga Turkiga ayaa u sheegay in ciidanku ay duqeeyeen ku dhawaad ​​shan boqol oo bartilmaameed oo ay leeyihiin maleeshiyaadka Kurdiyiinta ee Suuriya iyo Ciraaq tan iyo Axaddii.

Related posts

Dowladda Soomaaliya Oo Sweden u Dirtay Baaq Ku Aaddan Falkii Lagu Gubay Kitaabka Qur’aanka Kariimka

Bnnstaff Bnnstaff

”Uru-Siyaasadeedyadu Waxay Iibsanayaan Kaadhadhkii Muwaadiniinta” Nuuradiin Diini

Bnnstaff Bnnstaff

Xuutiyiinta Yeman Oo Mar Sadexaad Weerar Gantaalo Ah Ku Qaaday Dalka Imaaraadka Carabta Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More