Kulankii Wada-Jirka Ahaa Ee Labada Gole Ee Baarlamaanka Oo Baaqday Kadib Weerarkii Hoteel Villa Rosa

Waxaa Maanta baaqday kulankii wada-jirka ahaa ee labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,kaasi oo loo madalsanaa maanta.

Fariin lo dirtay Xildhibaanada ayaa loogu sheegay in gabi ahaanba uu baaqday kulankii wada-jirka ahaa ee labada gole, waxaana fariinta la raaciyay in dib laga soo sheegi doono xiliga la qabanayo fadhiga xiga.
“Dhammaan xildhibaanadda Golaha Shacabka BJFS waxaa lagu wargelinayaa in kulankii wada-jirka ahaa ee labada gole BFS dib loo dhigay. Guddoonka labada gole ayaa dib ka soo sheegi doona fadhiga xiga” ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Baarlamaanka.

Baaqashada kulanka ayaa la aaminsan yahay inay ka dambeysay kadib weerarkii dagaalamaayasha AL-Shabaab ay ku qaadeen hotel u dhaw maadxtooyada kaasi oo ilaa iyo haatan aan la shaacin khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.

Related posts

Gantaalo Lagu Weeraray Caasimada Dalka Afghanistan Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwayne Xasan Sheekh Oo Lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Qaahira Ee Dalka Masar

Bnnstaff Bnnstaff

“Shuruudaha Looga Baahan Yahay Hogaanka Kulmiye Waan Buuxiyay Waanan u Qalmaa”Cabdilaahi Muuse Cabdi

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More