Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhashay Dagaal Salka Ku Haya Muran Dhuleed Oo Ka Dhacay Gaalkacyo

Dhimasho iyo dhaawac ayaa laga soo sheegayaa dagaal khasaare nafeed dhaliyay oo ka dhacay meel u dhaw Aagga Saldhigga dhexe ee magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Wararku waxaa ay sheegayaan in ugu yaraan ay labo qof ay ku dhinteen isku dhacaasi,waxaana ku dhaawacmay tiro intaa ka badan.
Dagaalka ayaa yimid sida wararku sheegayaan kadib markii muran uu ka dhashay dhul ay isku qabsadeen dhinacyada dagaalamay, waxaana dagaalkaasi uu ka dhacay aagga saldhigga dhexe ee Magaalada.

Ciidamada ammaanka ayaa ku baxay dagaalkaasi, waxaana lakala dhex-galay labada dhinac ee dirirtu u dhexeysay, kuwaasi oo haatan ay socdaan dadaallo la doonayo in lagu joojiyo.

Magaalada Galkacyo ee xarunta Gobolka Mudug dhawaanahaan kama dhicin dagaalada la xariira aanooyinka qabiil iyo is qab-qabsiga dhulalka,waxaana maamulka Gobolka Mudug uu horay u shaaciyay inay ka hor tagi doonaan falalka noos ah ee horay uga dhici jiray Magaalada.

Related posts

Raysal Wasaarahihii Dalka Pakistan Imran Khan Oo Xilkii Laga Qaaday

Bnnstaff Bnnstaff

Xadgudubyada Arxan Darada Ah Ee Ay Yuhuudu Ka Wada Agagaarta Masjika Al Qasa Oo Sii Xoogaystay

Bnnstaff Bnnstaff

Shirka Wadatashiga Doorashooyinka Somaliya Oo Saacadaha Soo Socda Lasoo Xidhi Doono

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More