Hoggaamiyaha Burkina Dalka Faso Oo Sheegay Inuu Dhacay Afgambi Dhicisoobay

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee dalka Burkina Faso, Kabtan Ibrahim Traoré, ayaa ku dhawaaqay inuu u ahaa bartilmaameedka isku daygii afgambi ee todobaadkii hore.

Kulan uu la yeeshay ururada bulshada rayidka Khamiistii, kabtan Traoré, ayaa xaqiijiyay inuu dhacay isku day afgambi.

Wuxuu sheegay inuu garanayo cidda ka dambeysay afgambiga dhicisoobay, laakiin aanu doonayn inuu xiro, maadaama uu “doorbiday wada hadal, xaaladdana uu xakameeyey”.

Kabtan Traoré, ayaa waxa uu xukunka dalka Burkina Faso la wareegay 30kii Sebtembar ee sanadkan, isagoo afgambi ku qabsaday xilka.

Wuxuu meesha ka saaray taliyihii isaga ka horreeyay, Kornayl Paul-Henri Damiba, oo isaga laftiisu xukunka ku qabsaday afgambi.

Related posts

Raysal Wasaaraha Dalka Itoobiya Oo Eedaymo U Jeediyay Dalka Maraykanka

Bnnstaff Bnnstaff

Dowlada Turkiga Oo Dalkeeda U Fasaxay Maal-Qabeeno Ay Dalalka Reer-Galbeedka Beegsanayaan

Bnnstaff Bnnstaff

Gudida Madaxweynuhu u magacaabay Kominshanka Ma Waxa ay ka dhigantahy kala dirista komishanka

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More