Dowladda Federaalka Oo Eedeyn Adag U Jeedisay Ganacsatada Qaadka Ka Ganacsata

Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya aya shaaca ka qaaday in Ganacsatada qaadka ka ganacsata ay diideen in ay dowladda kala shaqeeyaan sidii ay u bixin lahaayeen canshuurtii sharciga ahayd ee lagu saleeyay cabbirka kiloogaraamka.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Maaliyadda ayaa waxaa lagu sheegay in tallaabada ay ku diideen Ganacsatada qaadka bixinta canshuurta ay tahay wax la aqbali karin, iyagoo xusay inay ka go’tahay in si cadaalada ah loo canshuuro agabka lasoo dejiyo.

Wasaaradda ayaa tilmaamtay in nidaamka cabbirka kiloogaraamka ah uu yahay halbeega ugu haboon ee lagu cabirikaro canshuurta qaadka laga keeno dalalka Kenya iyo Itoobiya, kaasi oo aan waxba ka bedelaynin qiimaha canshuurta la qaadi jiray.
“Hase ahaatee habkaan cusub ayaa ah mid daahfuran oo la jaan qaadaya dunida isla markaana si wax ku ool ah loogu hagaajin karo nidaamka canshuurta, iyadoo Dowladdu horay ugu wargelisay ganacsatada qaadka. Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an inay si dhaw oo qaddarin iyo waxtar leh ula shaqeyso ganacasatada oo dhan oo ah lafdhabarka dalka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri Qoraalka Wasaaradda Maaliyadda dowladda.

Shalay ayey aheyd markii Ganacsatada qaadka ka ganacsata ay sheegeen in Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ay kala soo bixi waayeen qaadkii laga kala keenay dalalka Kenya iyo Itoobiya, iyagoona eedeyn u jeediyay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Related posts

Qaar Ka Mid Ah Culimada Gobolka Awdal Oo Ku Baaqay In Laga Soo Qayb Qaato Dhismaha Masjid Laga Dhisayo Degmada Boon

Bnnstaff Bnnstaff

Sheekh Xasan Deheeye Oo Ka Hadlay Banaanbaxyadii Shalay Ee Muqdisho Fariin Culusna U Diray Siyaasiyiinta Mucaaridka

Bnnstaff Bnnstaff

Qisada Hooyo Yukrayniyad Ah Oo La-Kala Dooransiiyay Inay Badbaadiso Inankeeda Ama Hooyadeed

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More