Madaxweynaha Maamulka Puntland Oo Maanta ku Wajahan Muqdisho Iyo Ujeedkiisa

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Maanta oo Axad ah waxaa lagu wadaa inuu safar ku yimaado magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, sida ay sheegayaan illo-wareedyo lagu kalsoonaan karo.

Ujeedka Madaxweyne Deni ee Muqdisho ayaa waxaa uu yahay sidii uu kulamo ula qaadan lahaa Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo xubno kale oo kamida dowladda.

Kulamada Madaxda dowladda iyo Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa sida la sheegayo looga wada hadli doonaa arrimo kala duwan oo ku aadan mad-madow la sheegay inuu jiro , una dhexeeya madaxda dowladda iyo Maamulka Puntland.

Wararka qaarkood ayaa sidoo kale sheegaya in Saciid Cabdullaahi Deni inta uu ku sugan yahay Muqdisho laga tala-gelin doono magacaabista Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska dowladda Federaalka oo maalmaha soo socda la filayo in la magacaabo.

Safarkan deg dega ah ee Madaxweyne Deni ayaa kusoo beegmaya xili shalay deegaanada Puntland loo diiday wasiirka deegaanka iyo isbedelka cimilada ee dowladda Soomaaliya Marwo Khadiija Al-Makhsuumi, illaa iyo hadda lama oga sababta keentay.

Related posts

Kaftankan Siyaasada Iyo Qodobo Xasaasiya Oo Lagu Falanqeeyay

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwayne Axmed Madoobe Iyo Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal Oo Ka Wada Hadlay Dardar Gelinta Doorashooyinka

Bnnstaff Bnnstaff

Soomaaliya Oo Ka Mid Noqotay Dalalka Afrika Ee Saamaynta Dhaqaale Uu Ku Yeeshay Dagaalka Ukraine

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More