Madaxweynaha Imaaraadka Oo Booqasho Ku Tegay Dalka Qatar Iyo Ujeedada Booqashadaasi

Madaxweynaha Imaaraadka Carabta ayaa maanta billaabay booqashadii ugu horreysay ee uu ku tago Qatar tan iyo markii lasoo afjaray go’doomin socotay afar sano oo la saaray Doha, taasi oo qaboojisay xiriirka labada dal.

Sheikh Mohamed bin Zayed Al-Nahyan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Doha kusoo dhoweeyay amiirka Qatar, ayada oo socdaalkiisa uu kusoo beegmay xilli dalkaas uu ka socdo Koobka Adduunka.

Waa booqashadii ugu horreysay ee rasmi ah oo uu dalkaas ku tago tan iyo bishii Janaayo 2021, markaasi oo lasoo geba-gebeeyey xayiraad billaabatay June 2017 oo lagu hayey dalkaas.

Booqashada oo ku timid casuumadda amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani “ayaa dhiseysa xiriirka walaalnimo ee ka dhaxeeya labada dal iyo labada shacab,” waxaa sidaas yiri mas’uul Imaaraati ah oo la hadlay wakaaladda wararka dalkaas ee WAM.

Koobkii ugu horreeyey Adduunka ee lagu qabto dhul Cabreed ayaa dhacaya wax kayar laba sano kadib markii markii Sacuudi Carabiya iyo xulufadeeda Imaaraadka, Bahrain iyo Masar ay xiriirka u jareen Qatar ayaga oo ku eedeeyey inay taageerto xagjiriinta, islamarkaana ay aad ugu dhowdahay Iran — eedeymahaas oo Doha ay beenisay.

Hoggaamiyaha aan rasmiga ah ee Sacuudiga Dhaxal-suge Mohammed bin Salman ayaa horey ula kulmay amiirka Qatar kadib markii u ka qeyb-galay furitaanka Koobka Adduunka.

Inkasta oo tani ay tahay booqashadii ugu horreysay ee madaxweynaha Imaaraadka tan iyo dhammaadkii xanibaadda, xiriirka labada dal ayaa usoo hagaagayey si tartiib ah.

Bishii May, amiirka Qatar ayaa Abu Dhabi uga qeyb-galay tacsida madaxweynihii hore ee Imaaraadka Sheikh Khalifa, oo ay isku aabe ahaayeen Sheikh Mohamed.

AFP

Related posts

Daaroodka Maydku Na Dhex Yaallo Ayaanu Is Xignaaye Oromo Waba Iskuma Nihin Maamo Hibo Ahmed Diiriye

Bnnstaff Bnnstaff

Wasiirka Maaliyada Somaliland Oo Xeerar Cusub Hor Keenay Golaha Wakiilada Somaliland

Bnnstaff Bnnstaff

Kulan Lagaga Hadlay La-dagaalanka Al-shabaab Oo Ka Dhacay Dowlad Deegaanka Somalida

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More