Fah Faahin: Mas’uul Ka Tirsanaa Koonfur Galbeed Oo Lagu Dhex Dilay Xarun Caafimaad

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kooxo hubeysan oo saacadihii lasoo dhaafay degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay ee Maamulka Koonfur Galbeed ku dilay Iskuduwihii Wasaaradda Caafimaadka Maamulka ee degmadaasi.

Dad ayaa waxaa ay kusoo warrameen in rag dhallinyaro ah oo watay gaari ay toogasho ku dileen Iskuduwihii Wasaaradda Caafimaadka ee degmada Buurhakaba oo lagu magacaabi jiray Dr. Bishaar Ibraahim Cali (Xuub), kaasi oo u dhintay rasaas lagu furay.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in falka uu ka dhex dhacay gudaha isbitaalka Buurhakaba, oo la tilmaamay in dableyda ay xoog ku galeen isbitaalka, isla markaana ay dileen Dr. Xuub, iyagoona markii dambe halkaas isaga cararay.

Guddoomiyaha degmada Buurhakaba, Cabdi Maxamed Axmed oo ka hadlay dilka loo geystay Iskuduwihii Wasaaradda Caafimaadka ee degmadaas ayaa waxaa uu sheegay inay ku raad-joogaan kooxihii ka fuliyay dilkaas khaarijinta ahaa.

Ciidamada Booliska ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa howlgalo lagu raadinayay dableyda weerarka fulisay ka sameeyay degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay, mana jirto illaa iyo hadda cid loo soo qabtay dilka.

Related posts

Masar Iyo Suudaan Oo Heshiis Milatari Kala Sexeexday Xili Ay Colaadi Ka Taagantahay Xuduuda Sudan Iyo Itoobiya

Bnnstaff Bnnstaff

Xisbiga Wadani Oo Si Adag Uga Hadlay Xadhiga Murashax Qaasim Aadan Saleebaan.

Bnnstaff Bnnstaff

Wada Hadal U Furmay Dalalka Ruushka Iyo Ukraine Xili Wali Dagaalku Ka Socda Gudaha Dalka Ukraine

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More