Maraykanka Oo Ka Walaacsan, Hub Uu Ruushku Ka Iibsanayo Dalka Iran

Illaa laba sarkaal oo Maraykan ah oo aan magacyadooda shaacin ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press, in Ruushku uu dedaal xooggan ugu jiro inuu sii joogteeyo sahada hubka ah uu u isticmaalo dagaalka Ukraine, iyadoo Moscow ay doonayso in Iran ay markale ka caawiso ciidamada Ruushka, diyaaraha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada dhulka.

Waxaa jira walaac soo kordhaya oo Maraykanku qabo oo ku aaddan, in Ruushku uu raadinayo inuu Iran ka helo hub dheeri ah oo casri ah, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan golaha ammaanka qaranka ee Maraykanka, kaas oo magaciisa u qariyey, maadaama aan la ogolayn in laga faalloodo wararka sirta ah ee Maraykanka. Sarkaalkan ayaa sheegay, in hubka uu Maraykanku sida gaarka ah uga walaacsan yahay inay ku jiraan gantaallada dhulka ee Iran ay samayso.

Dhanka kale, diblomaasi Maraykan ah ayaa sheegay in Iran ay qorshaynayso inay ka iibiso Ruushka boqollaal gantaal iyo weliba diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, tallaabadaas oo xadgudub ku ah qaraarkii golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay uu soo saaray sannadkii 2015, kaas oo taageerayey heshiiskii dhexmaray Iran iyo lixda quwadood.

Related posts

Madaxweyne Vladimir Putin Oo Shaaciyay Inay Gacantooda Gashay Magaalada Mariupol

Bnnstaff Bnnstaff

Dowlada Itoobiya Oo Qofkii Aan Xidhan Face Mask Lagu Xukumayo Labo Sano Oo Xadhig Ah

Bnnstaff Bnnstaff

Deg Deg:- Xisbiga Kulmiye Oo Siyaasi Maxamuud Xaashi Ku Eedeeyay In Aanu Xisbiga La Shaqayn Uuna Ka Soo Horjeedo

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More