Cali Guudlaawe Oo Farriin U Diray Bulshada Degaan Dhawaan Al-Shabaab Lagala Wareegay

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray deegaanka Guulane oo dhowaan laga saaray Alshabaab.

Madaxweynaha oo socdaalkiisa ay ku wehliyeen Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Mayre Makaraan, Taliyaha Booliiska Hirshabeelle iyo Masuuliyiin kale waxaa si diiran deegaanka guulane ugu soo dhoweeyay boqolaal dadweyne ah.
Madaxweynaha oo goob fagaare ah kula hadlayay shacabka deegaankaan ayaa uga mahadceliyay soo dhoweynta balaaran oo ay u sameeyeen isagoo bulshada deegaanadaan ugu baaqay inay ka qayb qaataan dagaalada lagula jira AL-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa xusay in halganka dalka looga alshabaab ay bilaabeen geesiyaal kasoo jeeday deegaankaan Guulane loona baahan yahay in la dhameystiro howlgallada culus ee ka socda deegaanada Hirshabeelle.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa u mahadceliyay Qeybaha kala duwan ee ciidamada geesiyaasha iyo kuwa dib u xureynta deegaanka.

Related posts

Barlamaanka Galmudug Oo Maanta Dooranaya Lix Senator Oo Ka Tirsan Aqalka Sare

Bnnstaff Bnnstaff

Wariye Coldoon Oo Si Adag Uga Hadlay Xukunka Lagu Riday Mulkiilaha Astaan Tv

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwayne Deni Oo Mar Kale Ku Baaqay In Shirkii Uu Madaxwayne Farmaajo Ku Baaqay Muqdisho Lagu Qabto

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More