Raysal Wasaare Xamse Barre Oo Ku Wajahan Degaanno Dhawaan Laga Qabsaday Al-Shabaab

Wefdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, sida ay sheegayaan warar hor dhac ah oo ku aaddan socdaalka Xamse Barre.

Ujeedka socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa ah soo indha indheynta xaaladda degaanada Maamulka Hirshabeelle,waxaana si gaar ah uu u tagi doonaa degaanadii dhawaan lagalawareegay dagaalamaayasha AL-Shabaab.
Degmada Aadan Yabaal ayaa ka mid ah goobaha uu booqan doono Wefdiga Ra’iisul wasaaraha, degmadaas oo ka mid ah degmooyinka dhawaan ka baxay gacanta AL-Shabaab, kadib markii Ciidanka Dowaldda iyo kuwa dadka deegaanka ay si buuxda u qabsadeed.

waxaana socota qaban qaabada soo dhaweynta wefdiga, iyadoo la adkeeyay amaanka guud ee degaanada loo qorsheeyay inuu booqdo RW Xamse Barre.

Related posts

Wararkii U Dambeeyay dagaalada itoobiya iyo Wararkale Oo Xiiso Leh

Mustafehaji

Mareykanka Oo Taageerey Go’aanka Guddiga Doorashada Heer Federaal

Bnnstaff Bnnstaff

Maayirka Borama Oo Shaaciyay Waxayaabaha Uu Qaban Doono 6 da Dilood Ee Soo Socda

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More