Booliska Dalka Nigeria Oo Weerar Ku Qaaday Aroos Ay Dhiganayeen Labo Qof Oo Isku Jinsi Ah

Ciidamada booliska islaamiga ah ee waqooyiga dalka Nigeria ayaa xabsiga dhigay 19 qof oo muslimiin ah, kuwaas oo lagu eedeeyay inay ka qeyb galeen arooska lamaane isku jinsi ah.

Ciidanka ayaa weerar ku qaaday xafladda meherka oo ka dhacday magaalada Kano ka dib markii la ogaaday, sida uu sheegay afhayeenkooda Lawal Ibrahim Fagge.

Lamaanahan ayaa waxaa u suurtagashay inay baxsadaan, waxaana baadigoob ugu jiray ciidamada Booliska, ayuu hadalkiisa ku daray afhayeenka.

Kano waxaa ku nool muslimiinta ugu badan dalkaas, halkaas oo nidaamka sharciga Islaamka uu ka barbar shaqeeyo sharciga ka jira dalkaas.

Falalka noocan ah ayaa sharci-darro ka ah dalka Nigeria, halkaas oo kuwa ku nool woqooyiga ay u badan yihiin Muslimiin, dadka koonfurta ku noolna ay u badan yihiin Masiixiyiin.

Booliska Islaamiga ah ee Kano ayaa caan ku ah magaca Hisbah, waxayna dhaqan geliyaan sharciyo adag.

Related posts

Faah-faahinno Kasoo Baxaya Labo Wadaad Oo Salaaddi Makhrib Kadib Lagu Dilay Dhuusamareeb

Bnnstaff Bnnstaff

Mardaxwayne Trump Oo Markale Weerar Culus Ku Qaaday Ilhaan Cumar

Bnnstaff Bnnstaff

Dad Ku Dhintay Hil Geel La Sheegay In Uu Sumaysnaa Oo Ay Cuneen

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More