Sacuudiga Oo Xabsiga Dhigay Boqolaal Qof Oo ay ku Jiraan Ajaaniib.

Dowlada Sacuudiga ayaa shaacisay inay qabteen illaa 30 tan oo qaad ah bishan Disembar oo kaliya ka hor inta aan laga soo gudbin xuduudka koonfureed ee Yemen iyo xudduudda waqooyi ee Urdun.

Wakaaladda wararka Sacuudiga oo soo xiganeysa afhayeenka ilaalada xudduudaha Sacuudiga, Korneel Misfer Al-Qurayni, ayaa sheegay in ciidamada ilaalada xuduudaha ee gobollada Najran, ay fashiliyeen isku day lagu doonayay in dalkaasi lagu soo galiyo 29.2 tan oo qaad ah.

Al-Qurayni ayaa intaa ku daray in ay gacanta ku dhigeen 361 eedaysane oo qaadkaasi waday kuwaasi oo ay ku jiraan 23 Sucuudi u dhashay, 261 Yemeniyiin ah ah iyo 70 Itoobiyaan ah.

Sacuudiga ayaa waxaa mamnuuc ka ah isticmaalka iyo ka ganacsiga mukhaadaraadka noocyadiisa kala duwan oo uu ku jiro Qaadka.

Dadka la qabto iyagoo gelinaya gudaha dalkaas, Qaad iyo mukhaadaraad kale ayaa la kulmo xukuno iyo ciqaab adag oo ay ku jiraan daldalaad iyo xabsiyo dhaadheer.

Related posts

Wasiir Saajin Oo Ka Dareen Celiyay Xilka Gudoomiye Ku Xigeenka Afraad Ee Loo Doortay

Bnnstaff Bnnstaff

Puntland Oo Sheegtay Inay U Gurmanayso Dadku Ku Hanti Beelay Dabkii Suuqa Waaheen Ee Magaalada Hargeysa

Bnnstaff Bnnstaff

Dowladaha Soomaaliya Iyo Norwey Oo Ka Wada Hadlay Amniga Iyo Xalinta Khilaafaadka

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More