Wararka ka imaanaya degmada Eyl ee Puntland ayaa sheegaya in xeebta deegaankaasi uu ku caariyay mayd la sheegay inuu ku jiray naxash.
lamana ogo sababta iyo halka maydkaasi markiisii hore uu laga soo tuuray, balse maamulka degmada Eyl ayaa sheegay in maydkii ay xabaaleen .
Guddoomiyaha Degmada Eyl Muuse Cismaan Yusuf ayaa BBC u sheegay in meydka uu kasoo caariyay meel 60 kiiloomiitar dhinaca bari xeebaha Eyl.
“Meydka wuxuu ku xir xirnaa naxash la sameeyay, badda banaanka ayay kusoo tuurtay”
Wuxuu intaas ku daray in meydka uu ahaa rag isla markaana uu isbaddalay meydka.
Muuse Cismaan ayaa ka dhawaajiyay in aanay aqoonsan meydka.
“Meyd soo caariyay latiisa isbaddalay, madaxa aad u burbursan yihiin oo haddii lagu aqoonsan lahaa madaxu aad u burburay buu ahaa laakin jirka intiisa xooggaa uu caadi ahaa”
Guddoomiyaha wuxuu intaas ku daray inay u maleynayaan in meydka laga soo tuuray markaakiibta ama doonyaha ka shaqeysta badda.
Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com