Akhriso Xaaladihii Ugu Dambeeyay Ee Magaalada Laascaanood Iyo Weerar Lagu Qaaday Saldhig Ciidan

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar lagu qaaaday saldhigyo ay Ciidanka Somaliland ku leeyihiin Xaafado ka mid ah Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka socdeen rabshado xooggan.

Wararku waxaa ay sheegayaan in Xalay Saqdiin dhexe weeerar lagu ekeeyay Saldhigga,waxaana si gaar ah loo beegsaday Ciidamo Boolis ah iyo kuwo Millateri ah, waxaana weerarkaasi ku qaaday dad shacab ah oo caraysan, kana mid ah dadkii maalmahaan banaanbaxyada waday.
Weerarka ayaa si gaar ah uga dhacay Xaafadda lagu magacaabo Durdur, waxaana la sheegay in khasaare uu soo gaaray dadkii caraysnaa ee weeraray Ciidanka Somaliland, qaar ka mid ah dadka dhaawacmaya yaan Cusbtiaalada la dhigay sida wararku tilmaamayaan.

Magaaalada Laascaanood ayaa waxaa wali ka taagan Xiisadda kulul ee u dhexeysa Ciidanka Somaliland iyo dadka shacabka ah ee caraysan.

Waxaana dadka Rayidka ah ee Magaaladaasi ay si weyn kaga caraysan yihin beegsi lagu hayo haldoorka Magaalada,taasi oo keentay in bulshadu ay kacdo, maaddaama dadkoodii wax galka ahaa dilal qorsheysan lagula kacay, waxaana maalmahaan socday banaaanbaxyo ka dhan ah Somaliland.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh Iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo U Safray Kenya Iyo Ujeedka

Bnnstaff Bnnstaff

WMO Oo Sheegtay In Itoobiya, Kenya Iyo Soomaaliya, Ay Qarka u Saaranyihiin Masiibo Bini’aadantinimo”

Bnnstaff Bnnstaff

Maamulka Somalida Ee Itoobiya Oo Shuruudo Ku Xidhay Ka Qayb Galkooda Doorashooyinka Dalka Itoobiya

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More