Borama News Network

Geerida Madaxwaynihii Iyo Wasiirkii Arimaha Dibada Iran Oo La Xaqiijiyay

Madaxweynihii dalka Iiran Ibraahim Raiisi, wasiirkiisii arrimaha dibadda Xuseen Amiir-Cabdollahian iyo mas’uuliyiin kale ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen diyaarad Axaddii shalay ku burburtay waqooyi-galbeed ee dalka Iran.

Diyaaradda ayaa ahayd nooca qumaatiga u kaca ee helicopter-ka loo yaqaanno, waxaana ay ku dhacday dhul buuraley ah, xilli cimiladu ahayd mid aad u liidata.

Saacado badan ayuu qaatay baaritaanka ku saabsan helitaanka burburka diyaaradda, iyadoo caqabadda ugu weyn ay noqotay ceer-yaamo ka jirtay dhulka buurleyda ah ee shilku ka dhacay.

Related posts

Netanyahu Oo Caddaystay Mowqifka Israaiil Ee Lagu Barakicinya Dadka Degen Rafax.

Abdiaziz Bnnstaff

Trump oo sheegay inuu ka xumaaday diidmada Mexico ee in dalkaasi la geeyo Ciidan Mareykan ah

Raysal wasaare Xamse oo Laascaanood ka wada kulamo looga hadlayo nabada iyo midnimada bulshada

Abdiaziz Bnnstaff