Puntland oo gacanta ku dhigtay maleeshiyaad dilal geystay

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Faysal Sheikh Cali ayaa waxa uu si adag u cambaareeyay falkii dilka ahaa ee loogu gaystay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo allaha unaxariistee Marxuumiinta kala ah Burhaan Jaamac iyo Farxaan Nasar, Janatul , isaga oo ehelada iyo qoyskii ay ka baxeen alla uga baryayin uu samir iyo iimaan ka siiyo, dadka ku dhaawacmay falkaasna iyagana allaha caafimaad taama siiyo.

” Marka ay dhacdadaasi dhacday kadib Gudoomiyaha Gobolka Mudug ahna Gudoomiyaha Gudiga Amniga Gobolka Mudane Faysal Sheikh Cali ayaa laamaha Amniga Gobolka Waxa uu faray in baaritaan deg-dega la sameeyo cidii falkaa gaysatayna gacanta lagu soodhigo iyadoo laga duulayo Nabada iyo Wadajirka Bulshada Gobolkan, ugu danbayna waxaa alle mahadii ah in laamaha Amnigu gacanta ku soodhigeen ragii gaystay falkii foosha xumaa waxaana la horgayn doonaa Hay’adaha garsoorka iyo cadaaladaa ayaa lagu yiri” War kasoo baxay Maamulka.

Bulshada waxaan kula dardaarmaynaa in si wadajira looga shaqeeyo lana xoojiyo Wadajirka iyo Midnimada Bulshada meel aan uga soo wada jeesano cid kastoo duulaan ku ah Nabada iyo jiritaan keena, Wabilaahi Towfiiq.

Related posts

Wiil dhalinyaro Ah Oo Baaskiilad Ugu Kala Safray Somaliland Iyo Itoobiya

Bnnstaff Bnnstaff

Laascaanood Waxay Kamid Ahaayeen Dadkii Dib u Dhiskii Iyo Nabadayntii Qaybta Ugu Badan Kasoo Qaatay” Wasiir Maxamed Kaahin

Bnnstaff Bnnstaff

“Fili Maayo In Talo Lagu Gubay Deegaanka Buqdharkayn” Abwaan Yusuf Shaacir Oo Baaq U Diray Beesha Habar Jeclo

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More