In ka badan 50 qof ayaa qoorta lagaga jaray waqooyiga Mozambique, falkaas oo ay geysteen kooxo Islaamiyiin xagjir ah, sida ay ku warrantay warbaahinta dowladda.
Malleeshiyaadkan ayaa garoon kubadda cagta ah oo tuulo ku yaal u baddalay “goob dil”, halkaas oo ay ku gawraceen kuna gubeen meydadka, warar kale ayaa sidaas sheegay.
Dhowr qof ayaa sidoo kale qoorta looga jaray tuulo kale, sida ay ku warrantay warbaahinta dowladda.
Qoor goyntan ayaa ah kuwii ugu dambeeyay ee weerarro argagax leh oo ay mintidiintani ka fuliyaan gobolka gaaska qaniga ku ah ee Cabo Delgado tan iyo 2017.
Illaa 2000 oo qof ayaa la diley ku dhowaad 430,000na guryo la’aan ayey badeen iskahorimaadka ka socda gobolkaas oo u badan Muslimiin.
Malleeshiyaadkan waxay xidhiidh la leeyihiin kooxda la magac baxday Dawladda Islaamka (IS), iyagoo siinaya saldhig ay ku leeyihiin koonfurta Afrika.
Kooxdan ayaa ka faa’iideysatay saboolnimada iyo shaqo la’aanta si ay u qortaan dhalinyarada dagaalka ay ugu jiraan in xukunka Islaami ah laga hirgaliyo aaggaas.
Dad badan oo deegaanka ah ayaa ka cabanaya in wax yar ay ka faa’iideysteen warshadaha dheemanka rubiga iyo gaaska ee gobolka.
Weriyaha BBC Jose Tembe ayaa ku soo warramaya caasimadda, Maputo, in weerarkii ugu dambeeyay ay u badan tahay in uu ahaa kii ugu xumaa ee ay qaadaan malleeshiyaadkani.
Dad badan ayaa naxay, waxayna ku baaqayaan in xal nabadeed laga gaadho khilaafka, ayuu raaciyay.
Dableydu waxay ku dhawaaqayeen “Allahu Akbar” (“Ilaah baa weyn”, oo Ingiriis ah), rasaas ayeyna ridayeen, markii ay weerareen tuulada Nanjaba habeenkii Jimcaha, wakaaladda wararka ee Mozambique ayaa soo xigatay dadkii ka badbaaday.
Laba qof ayaa qoorta looga jaray tuuladaas dhowr haweenana waa la afduubay, sida ay u sheegeen wakaaladdaas wareed.
Koox gooni ah oo mintidiin ah ayaa iyana weerar kale oo lagu hoobtay ku qaaday tuulada Muatide, halkaas oo ay qoorta uga jareen in ka badan 50 qof.
Dad isku ayay inay cararaan ayaa la qabtay, waxaana la geeyay garoonka kubada cagta ee maxaliga ah halkaas oo qoorta laga gooyay oo la jarjaray habeenkii Jimcaha ilaa Axadda, sida uu tebiyey warbaahinta gaarka loo maamulo ee Pinnancle News.
Dowladda Mozambique ayaa codsatay kaalmo caalami ah si loo xakameeyo mashaqadan, iyagoo sheegay in ciidamadeeda ay u baahan yihiin tababar gaar ah.
Bishii Abriil, in ka badan 50 qof ayaa qoorta laga jaray ama la toogtay weerar ka dhacay tuulo ku taal Cabo Delgado horraantii bishanna, sagaal qof ayaa laga dilay isla gobolkaas.
Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in ciidamada amaanka ee Muzambik ay sidoo kale qaadeen xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, oo ay ku jiraan qabqabasho aan loo meel dayin, jirdil iyo dil, inta lagu gudajiray howlgalada lagu xakameynayo kacdoonkan.
Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com