Raysal Wasaaraha Arminiya” Heshiis Aad u Xanuun Badan Ayaan U Qaaday Dalkeyga”

Armenia, Azerbaijan iyo Russia ayaa kala saxiixday heshiis lagu soo afjarayo iska hor imaadkii millateri ee ka dhashay dhulkii lagu muransanaa ee Nagorno-Karabakh

Raiisel wasaaraha Armenia Nikol Pashinyan wuxuu heshiiska ugu yeedhay heshiis “aad ugu xanuun badan aniga iyo dadkeenaba
Waxay timid kadib lix todobaad oo dagaal uu u dhaxeeyay Azerbaijan iyo qowmiyado Armeniyaan ah.

Gobolkan waxaa caalami ahaan looga aqoonsan yahay Azerbaijani, laakiin waxaa maamulayay qowmiyadaha Armenia ilaa 1994.

Sannadkaas, dagaalka ayaa joogsamay laakiin heshiis nabadeed lama saxiixin.

Tiro heshiisyo xabad joojin ah ayaa la dhexdhexaadiyay tan iyo markii uu dagaalku dib u qarxay bishii Sebtember, laakiin dhammaantood way fashilmeen.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Gudiga Warshadaha Somaliland Oo Dacwada U Gudbiyay Golaha Wakiilada Iyo Cida Ay Ka Gudbiyeen

Bnnstaff Bnnstaff

Daawo:-Nuxurka Khudbad Gudoomiye Cirro ka jeediyey Munaasibad lagu Soo Bandhigay Musharaxiinta Beesha Ayuub

Bnnstaff Bnnstaff

Saanad Difaaca Cirka Ee Ay Haytaan Jabhada TPLF Ee Ay Dowlada Itoobiya Dagaalka Kula Jirto

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More