Borama News Network

Soomaaliya kamid noqotay Dalalka ka qaybgalaya shirka looga hadlayo caqabadaha biyaha & xal u helidda Khilaafaadka ka dhasha.

Dalka Indonesia waxaa ka furmay shirka 10aad ee looga hadlayo arrimaha Biyaha waxaana miiska saaran dhowr qodob oo kala ah: ka gudubka caqabadaha biyaha, xal u helidda Khilaafaadka ka dhasha & hirgelinta go’aamadii ka soo baxay Shirweynihii Biyaha Dunida (UN water conference New York 2023).
Soomaaliya waxaa shirkaan ku metalaya Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Khayraatka Biyaha Xukuumadda Federaalka Maxamed Cabdullaahi Faarax, waxa uu madasha la tagay qodobo la xiriira xal u helista dhibaatooyinka lagu qabo Biyaha iyo sida loo hormarin karo iyada oo la iskaashanaya.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Tamarta & Khayraatka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Faarax ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay qaar kamid ah wakiillada kala duwan ee metalaya Dowladaha xubnaha ka ah madashaan ee soo bandhigaya caqabadaha guud ee dhankaas ka jira.

Dalal badan oo biyo wadaag ah waxaa ka dhaxeeya khilaaf xooggan oo salkiisu yahay habka loo isticmaalayo, si xal looga gaaro mad-madowgaas siyaasadeed ayay Qaramada Midoobay u qabatay shirweyne Caalami ah si looga baaqsado dagaal ka dhalan kara nidaamka wadaagga Biyaha ee Dalalkaas is khilaafsan.

Related posts

“62 Cisho Kadib Waanu Badalayna Muuse Biixi” Xooghaye Khadar Xuseen Cabdi

Abdiaziz Bnnstaff

Ujeedada socdaalkayagu waa laba qodob Difaaca Dalka iyo Doorashadda” Madaxweyne Muuse Biixi.

Abdiaziz Bnnstaff

In Ka Badan 130 Qof Oo Ku Dhintay Isbitaal Lqgu Dabiibayay Iyo Sababta Keentay Dhimashada Dadkaasi Oo La Shaaciyay

Abdiaziz Bnnstaff