Borama News Network

Maxay Kawada Hadleen Madaxwayne Xasan Sheekh Iyo Danjiraha Ruushka Ee Soomaaliya?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah la qaatay Danjiraha Ruushka Mikhail Golovanov iyaga oo kawada hadlay xoojinta xiriirka labada dhinac, Amniga, Iskaashiga iyo qodobo kale.

Qoraal kooban oo lagu daabacay barta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Danjiraha Ruushka ee arrimaha Soomaaliya ay sidoo kale isku soo hadal qaadeen dagaalka ka dhanka ah ‘AS’.

Danjire Golovanov ayaa tilmaamay in Dowladdiisa ay diyaar u tahay kordhinta cilaaqaadka ku dhisan iskaashiga, Amniga & xiriirka Caalamiga ah ee kala dhaxeeya Soomaaliya si labada Jamhuuriyad ay u gaaraan yoolka ay hiigsanayaan.

Dowladda Federaalka Ruushka ayaa dhowaan Soomaaliya ka gacansiisay gargaarka bani aadamnimo iyada oo Moscow ay shaacisay in ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka kala dhaxeeya dhiggeeda Muqdisho sida hadalka loo dhigay.

Related posts

” Waa In Gacanta Lagu Soo Dhigaa Dadkii Ka Dambeeyay Shaqaaqadda Ceerigaabo” Madaxda Dhaqanka Somaliland

Abdiaziz Bnnstaff

Trump ayaa ballanqaaday inuu 24 saac gudahood ku joojin doono dagaalka Ukraine haddii uu guulaysto. wuu guleystay— suurgal ma tahay?

Abdiaziz Bnnstaff

Ma guuleysan karaan dadaallada lagu heshiisiinayo Soomaaliya iyo Itoobiya?

Abdiaziz Bnnstaff