Mareykanku Oo Sheegay In Uu Dilay 30 Dagaalyahan Oo Katirsan Al-shabaab

Mareykanka ayaa sheegay in duqeyn dhanka cirka ah oo ay ka fuliyeen Soomaaliya ay ku dileen ku dhawaad ​​30 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa ka dhacay meel u dhow degmada Galcad oo qiyaastii 260km (162 mayl) dhanka waqooyi bari kaga beegan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-Shabaab waxa ay ku dagaalameen gacan ku heynta degmadaasi.

Sida uu sheegay taliska Mareykanka ee Afrika,weerarkii cirka ee Jimcihii ayaa ku soo aaday xilli ciidamada ay soo weerareen in ka badan 100 dagaalyahan oo katirsan Al-shabaab.

Related posts

Dowladaha Cuba Iyo Kenya Oo War Kasoo Saaray Dhaqaatiir La Sheegay In Al-Shabaab Ay Siidaayeen

Bnnstaff Bnnstaff

Golaha Guurtida Somaliland Oo Xukuumada Ugu Baaqay In Ay Maalgaliso Warshada Sibidhka

Bnnstaff Bnnstaff

27 Qof Oo Lagu Dilay Iska-horimaad ka Dhacay Deegaanka Soomalida iyo Canfarta Itoobiya

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More