Dowladda Soomaaliya Oo Sweden u Dirtay Baaq Ku Aaddan Falkii Lagu Gubay Kitaabka Qur’aanka Kariimka

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ayaa si kulul u cambaareysay falkii ay mas’uuliyiinta Sweden u ogolaadeen nin xag jir ah inuu ku gubo Safaaradda Jamhuuriyadda Turkiga ee magaalada Stockholm horteeda kitaabka Qur’aanka Kariimka ah.

Dhacdadaasi oo dhacday Sabtidii (January 21), taasoo ka dhigan mid xad gudub ku ah xurmada diinta iyo kicinta dareenka muslimiinta caalamka oo dhan.

“In la ogolaado falkan naceybka ah ee lagu aflagaadeynayo karaamada iyo qiyamka Islaamka waa wax aan gabi ahaanba la aqbali karin. Wax kale maaha ee waa dhaqan demagogic ah oo kor u qaada nacaybka iyo cunsuriyadda oo u adeega ajendayaasha xagjirnimada iyo argagixisada” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Soomaaliya waxay ugu baaqday Sweden inay qaado tallaabooyin adag oo ka dhan ah nacaybka sii kordhaya ee ka dhanka ah Muslimiinta, waxayna ku boorisay beesha caalamka inay qaataan mas’uuliyadda ka saaran ka hortagga Islaam nacaybka.

Related posts

Dowlada Masar Oo War Ka Soo Saartay Buuxinta Biyo Xidheenka Itoobiya Iyo Itoobiya Ka Jawaabtay Warkaasi

Bnnstaff Bnnstaff

Kooxda Ahlusuna Oo Amisom Ku Eedeeysay Ka Qayb Galka Dagaalka Degmada Guriceel

Bnnstaff Bnnstaff

Dowlada Somaliya Oo Heshiis Dayn Cafin Ah La Saxeexatay Sadex Dal

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More