Booliska Baladweyne Oo Soo Saaray Amaro Culus Oo Quseeya Bulshada Magaalada

Booliska Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa saacadihii lasoo dhaafaay sameeyay howgallo ay kusoo qab-qabteen tiro dad ah, kuwaasi oo la sheegay inay ku hawlanaayeen falal lid ku ah ammaanka Magaalada.

Taliska Booliska ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan tiro dad ah oo laga soo qabtay xaaafdaha kala duwan ee Magaaladaasi, waxaana Taliye ku xigeenka Booliska Baladweyene oo warbaahinta lahadlay uu sheegay in howlgalladani ay yihiin kuwo lagu xaqiijinayo amaanka guud ee Degmada.

Sidoo kale waxaa xiran qaar ka mid ah waddooyinka magaalada Baladweyne,waxaana gaadiidleyda la amray inay isticmaalaan oo kaliya, waddooyin cayiman oo Booliska Magaalada ay ugu talagaleen in lag soo galo Magaalada.

Taliye ku xigeenka Booliska Baladweyne ayaa intaasi ku daray in ay adkeeyeen qaabkii lagu soo gali jiray Magaalada, waxaana uu sheegay in gudaha Baladweyne uusan soo gali karin gaadiid aan also hubin oo aan damiin lahayn.

Waxaa sidoo kale uu farriin adag u diray bulshada ku nool xaafadaha kala duwan, waxaana si gaar ah uu farriin ugu diray Garaashleyda magaalada oo uu sheegay inaysan qaabilin ama aysan xarayn gaadiid waxa ay yihin aysan aqooon.

Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa tiro dhowr jeer ah waxaa ka dhacay falal amaanka lid ku ah, oo ay ugu horreeyaan qaraxyo lagu soo raray gaadiid,waxaaana laamaha ammaanka ay horay u sheegeen inay qaaadi doonaan talalabooyin waxlooga qabanayo ammaanka magaalada.

Related posts

Puntland Oo Gaadiidka Bajaajta Ka Mamnuucday Waddo Muhiim Ah Oo Ku Taalla Magaalada Garoowe

Bnnstaff Bnnstaff

Banaabax Lagaga Soo Horjeedo Dilkii Xildhibaanka Oo Ka Dhacay Laascaanood Iyo Hawlgalo Ay Ciidanku Sameeyeen

Bnnstaff Bnnstaff

4 Qodob Oo Horyaala Xukuumadda Cusub Ee Somaliya , Maareyna Uga Baahan Raysal Wasaare Xamse

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More