Tirada Dadka Ku Dhintay Dhismo Ka Kooban Shan Dabaq Oo Sii Korortay

Tirada dadka la og yahay in ay dhinteen ayaa gaartay 16 ruux ka dib markii uu dumay dhismo ka kooban shan dabaq oo ku yaalla waqooyi-galbeed ee Suuriya.

Qaar kale ayaa loo maleynayaa inay ku hoos jiraan burburka dhismaha ee magaalada Xalab

Kooxda la socota xuquuqda aadanaha Suuriya ee fadhigeedu yahay UK ayaa sheegtay in dadka ay dhibaatadu soo gaartay ay ahaayeen dad ka soo barakacay degmada Afrin ee waqooyiga dalkaasi.

Biyo daadad ku yimid oo gaaray aasaaska dhismaha ayaa lagu soo waramayaa inay sababeen burburka.

Waxaa loo malaynayaa in dad badan oo ku barakacay colaadda Suuriya ay u guureen guryo aan qaab dhismeedkoodu wanaagsanayn.

Related posts

Khilaaf Xoogan Oo Soo Kala Dhex-Galay Madaxweynaha Hirshabeelle Iyo Ku-Xigeenkiisa

Bnnstaff Bnnstaff

Wasiir Maxamed Kaahin Oo Ka Hadlay Heshiis Maanta Dhex Maray Xisbiga Kulmiye Iyo Xildhibaanada Ucid

Bnnstaff Bnnstaff

Waa Amar in La Joojiyo Gurayaha Uu Ku Dhacay Naqshadaynta Magaalada Borama Madaxweyne Ku Xigeen

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More