Duqeymo Ka Dhacay Duleedka Xarardheere & Ciidamada Oo Degaano Cusub La Wareegay

Diyaarado dagaal ayaa Maanta duqeymo xoogan waxaa ay ka geysteen degaano hoostaga magaalada Xarardheere ee Gobolka Mudug, halkaas oo dhawaan ay la wareegeen Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya dadka degaanka ee hubka qaatay.

Duqeymaha ayaa Saraakiil Ciidan waxaa ay sheegeen in lala beegsaday Saldhigyo ay Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ku lahaayeen degaannada Caad iyo Ceel-cabdi, waxaana Saraakiisha Ciidamada ay sheegeen in goobaha la duqeeyay ay isku aruursanayeen Al-Shabaab.

Sidoo kale wararka la helay ayaa sheegaya in ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay gudaha u galey deegaanada Caad iyo Ceel-cabdi oo ay dhowr jaho kaga yimaadeen, guushan ayaa timid xili uu in ka badan todobaad Xarardheere ku sugan yahay madaxwayne Galmudug QoorQoor.
Wararkii ugu dambeeyay ee na soo gaaray ayaa sheegaya in Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa degaanka ay weli wadaan howlgallo kala duwan oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Related posts

Rasaas Xoogan Oo Laga Maqlayo Xaafado Ka Tirsan Muqdisho Iyo Dad Barakac Bilaabay

Bnnstaff Bnnstaff

Sacuudi Carabiya Waa Xulafada Ugu Muhiimsan Ee Uu Mareykanku Ku Leeyahay Bariga Dhexe

Bnnstaff Bnnstaff

Xisbiga Kulmiye Oo Ku Shaaciyay Xili La Qaban Doono Shirka 7aad Ee Golaha Dhexe Ee Xisbigaasi

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More