Wasiirka Arrimaha Dibbada Talyaaniga ayaa sheegay in dalkiisu uu u arko Masar in ay kawada shaqayn karaan muhaajiriinta sida sharci darrada ah uga soo gudubta badda madheteriyanka (Mediterranean Sea) iyo in waliba ay kawada hawl geli karaan helista gaas ku filan Yurub, ka dib duullaankii Ruushka ee Ukrain.