Faah Faahin: Qaraxa Khasaare Gaystay Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Faah faahinno dheeraad ah ayaa laga helayaa Qarax goordhaweyd ka dhacay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan isgoyska Siinaay, waxaana laga kasoo baxaya warar kala duwan oo ku aaddan qaraxaasi.

Qaraxa oo aaha mid jugtiisa si weyn looga maqlay xaafadaha iyo qaar ka mid ah degmooyinka muqdisho, waxaaa uu ka dhacay aga-gaarka Isgoyska Siinaay, gaar ahaan Baar Jiddo.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa tilmaamaya in Qaraxaasi ka dhashay Gaari walxaha Qarxa lagu soo xiray oo halkaasi ku qarxay, waxaana dad goobjoogayaal ah ay inoo sheegeen in Gaarigu qarxay xili uu Baakin ku jiray.
Wararku waxaa ay intaas ku darayaan in Wadihii gaariga oo kaliya uu haleelay qaraxaasi gaariga loogu xiray, mana lasoo sheegin khasaaare kale oo intaas dhaafsiisan.

Halka uu Qaraxu ka dhacay waxaa gaaray Ciidanka amaaanka, kuwaasi hakad galiyay isku socodka guud ee isgoyskaasi.

Sidoo kale laamaha ammaanka e Gobolka wax faah faahin ah wali kama aysan bixin Qaaraxasi gaariga lagu xiray iyo ciddda sida gaar ah loola beegsaday.

Related posts

Dowlada Hindiya Oo Malaayiin Dollar Ah Ugu Deeqday Hawlgalka Ciidanka ATMIS

Bnnstaff Bnnstaff

” Dhaqaalaaha Ku Baxaayaa Qorshaha 100% Waa Cashuurta Somaliland Laga Ururiyay ” Wasiir Cabdilaahi Abokor

Bnnstaff Bnnstaff

“Waad Na Casi Galiseenoo Waxaan Islahaa Armay Maanta Golaha Ku Dagaalamaan” Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More