Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan Oo Ka Jawaabay Dalabkii Sweden

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa u sheegay Sweden inaanay filanin in dalkiisu uu taageero dalabkeeda ku aaddan inay xubin ka noqdaan isbahaysiga milateriga ee NATO, ka dib mudaharaadadii toddobaadyadii la soo dhaafy ka dhacay magaalada Stockholm, taas oo ay dhigeen kooxo ka soo horjeeda Islaamka, isla markaana taageersan Kurdiyiinta.

Madaxweyne Erdogan ayaa si kulul u weeraray tallaabadii u siyaasiga reer Sweden ee Rasmus Paludan uu ku gubay kitaabka Quraanka ah Sabtidii, isaga oo sheegay inay tahay tallaabo meel ka dhac ku ah cid kasta, gaar ahaan Muslimiinta.
Turkiga ayaa si gaar ah uga cadhooday mas’uuliyiinta Sweden, in ay oggolaadeen in bannaanbaxaasi uu ka dhaco bannaanka safaaradda Turkiga ee Stockholm iyada oo ay “ilaalinayaan” ciidamada ammaanku, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Associated Press.

Gubista kitaabka barakeysan ee Quraanka ayaa ka cadhaysiisay guud ahaan shacabka dalka Turkiga, xilli dalalka Sweden iyo Finland ay raadinayaan taageerada Turkiga si ay xubin uga noqdaan isbahaysiga NATO.

Related posts

Weerar Loo Adeegsaday Gantaalo Oo Saaka Lagu Qaaday Magaalada Irbil

Bnnstaff Bnnstaff

Golaha Deegaanka Buuhoodle Oo Haweenay U Doortay Maayirnimada Degmada Buuhoodle

Bnnstaff Bnnstaff

Xeerku Hadii Uu Noo Yimaado Talaabo Ayaan Ka Qaadaynaa,Madaxwaynaha Waan U Kordhin Karnaa” Xildhibaan Ka Tirsan Guurtida

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More