Deg Deg:- Madaafiic Lagu Garaacay Qaybo Ka Mid Ah Madaxtooyada Soomaaliya

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya Madaafiic goordhaweyd lagu garaacay qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho,gaar ahaan meelo u dhaw Madaxtooyada dalka looga arrimiyo, waxaana la helayaa faah faahinno dheeraad ah oo ku aaddan Madafiicda.

Jugta dhawaqa Madaaafiicda ayaa lag maqlay qaar kamid ah degmooyinka Caasimadda, waxaana wararka qaar ay sheegayaan inuu jiro khasaare ka dhashay duqayntaasi.
Ilaa iyo 7 madfac ayaa lagu garaacay sida wararku sheegayaan Xaafado ka mid ah Muqdisho, waxaana si gaar ah ay uigu dhaceen qaybo ka mid ah Madaxtooyada iyo meelo u dhaw.

Lama oga khasaaraha ka dhashay ilaa iyo hadda, sidoo kale wax war ah kama soo bxiin laamaha ammaanka,balse tiro dhawr jeer ah ayaa sidaan oo kale madaafiic loogu garaacay qaybo ka mid ah Madaxtooyada.

Related posts

Qareenada Madaxwaynihii Hore Ee Maraykanka Oo Beeniyay In Uu Dhiirigaliyay Weerarkii Aqalka Congreska

Bnnstaff Bnnstaff

Doorashada Xildhibaanada Banaadiriga Oo Maanta Dhaceysa Iyo Waddooyinka Oo Loo Xidhay

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwayne Lafta Gareen Iyo Taliye Odaywaa Oo Ka Wada Hadlay Dagaalka Alshabaab

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More