Booliska Gobolka Banaadir Muqdisho ka Bilaabay Howlgalka Qof iyo Guri

Booliska Gobolka Banaadir ayaa billaabay howgallo ammaanka lagu sugayo, waxaana saacadihii lasoo dhaafay Ciidanku ay guri-guri u baareen Degmada Xamarweyne oo noqotay degmadii ugu horreysay ee lagu daahfuray Howgalkaan ay ku dhawaaqeen Booliska Gobolka Banaaadir.

Howgaladii xalay lag sameeyay Muqdisho gaar ahaan Degmada Xamaweyne waxaa iska kaashanaayay Booliska iyo Ciidamada nabad Sugidda oo qayb ka ah howgalka, sidoo kale waxaa ka qayb qaatay ilaaiyo shan guddoomiye degmo oo ka tirsan Gobolka.

Intii uu howlgalku socday Booliska ayaa baaritaanno ka sameeyay qaybaha kala duwan e ay ka kooban tahay degmada lagu billaabay wajiga 1aad ee Howlgalka uu ku dhawaaqeen laamaha ammaanka Caasimadda.

Waxaana ay gacanta kusoodhigeen shaqsiyaad ay ka qab-qabteen qaybo kamid ah degmada, kuwasi oo baaritaanno culus ay ku socdaan haatan sida masuuliyiintu sheegen, waxaana sidoo kale lasoo qabtay maandooriye lagu iibinayay qaybo ka mid ah degmada.

Howgalkaan ayaa waxaa iska kaashaanaya Guddoomiyeyaasha degmooyinka Bartamaha Caasimadda, ee kala ah Boondheere, Cabdicasiis, Warta nabadda, Shingaani iyo Xamarweyne.

Related posts

Booliska Magaalada Burco Oo Xabsiga Dhigay Masuuliyiinta Maqaaxiyaha Shaaha Ee Burco Iyo Sobobta

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Iyo Wasiiro Ka Hadlay Buug Ay Soo Bandhigtay Wasaarada Arimaha Dibadu

Bnnstaff Bnnstaff

Xildhibaan Ilhaan Cumar Oo War Kulul Kasoo Saartay Tallaabo Ay Qaaday Israa’iil

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More